Ra’iisul wasaare Rooble oo gaaray magaalada Garowe ee Puntland

29

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa gaadhay garoonka diyaaradaha Garowe caasimadda maamul Puntland

Ra’iisul wasaare Rooble iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka magaalada Garowe kusoo dhaweeyey Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdillaahi Deni, Masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ee ku nool magaalada Garowe.

Wafdigan uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare Rooble ayaa maalmahan ku sugnaan doona magaalada Garowe, iyagoo kulamo la filayo in ay la qaataan madaxda Puntland iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Waxaa xusid mudan in magaalada Garowe ay ku sugan yihiin ciidamo fara badan kuwaas oo hawlo amni xaqiijin ka samaynaya gudaha magaalada, waxaana maanta si weyn looga dareemayay magaalada soo dhaweynta ra’iisal wasaaraha loo samaynayay.