Aadan Madoobe oo shir amni la yeeshay saraakiisha Koofur Galbeed

0

Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa gudooomiyey Shirka Amniga Dowladda Koonfur Galbeed, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladaha guud ee amniga deegaannada Koonfur Galbeed.

Shirka ayaa si gaar ah looga hadlay xoojinta iyo kordhinta howlgalada amni ee ka socda deegaannada Koonfur Galbeed dardargelinta wadaagista xogaha amniga iyo xoojinta iskaashiga hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyada iyo xasilloonida guud.

Sidoo kale waxaa kulanka lagu falanqeeyey qorshayaasha lagu xoojinayo sugidda amniga, ka hortagga falalka amni-darrada ah iyo ilaalinta badqabka shacabka ku nool deegaannada Koonfur Galbeed.

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo howlgallada amniga, la xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha amniga, isla markaana la qaato tallaabooyin wax-ku-ool ah oo lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed.

Shirka Hogaamiyaha waxaa kala qeybgalay Wasiirka Amniga, Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada, Agaasimaha Madaxtooyada, saraakiisha amniga iyo saraakiisha AUSSOM.