Ciidamada Amniga Puntland oo dhaqdhaqaaqyo ka wada gobolka Sanaag

17

Wararka ka imaanaya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa Puntland ay maanta dhaq dhaqaaqyo milatariga ay ka wadaan deegaano ka tirsan gobolkaasi.

Dhaq dhaqaaqyadan ayaa ka dambeeyay kadib markii dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab ay la wareegeen deegaanka Milxo oo hoostaga magaalada laas-qoray.

Dadka deegaanka ayaaa markabley u sheegay in cutubyo ka tirsan Ciidamada Puntland ay maanta gaareen deegaano ka tirsan gobolka Sanaag, iyagoona halkaasi ka baadi goobayo dadka ay ka xeysteen Al-Shabaab.

Kooxda Al-Shabaab ayaa saddex qof oo shacab ah oo ka ganacsada dahabka buuraha laga soo qodo waxay ka afduubteen deegaanka Milxo oo ka tirsan gobolka Sanaag, halkaasi oo ay mudo saacado ah gacanta ku hayeen. Al-Shabaab.

Cabsi xoog leh ayaa soo wajahday shacabka ku nool deegaano ka tirsan gobolka Sanaag.

Taliyaha Qaybta Booliska ee Puntland G/dhexe Bashiir Cali Maxamed ayaa sheegay in Maamulka Puntland uu ku howlan yahay sidii Al-Shabaab dadkaasi looga soo furan lahaa, isla markaana uu rajeynayo inay soo badbaadiyaan.

Deegaano ka tirsan Puntland ayaa waxaa xiligan ku xoogan dagaalameyaal ka tirsan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.