Maxay kawada hadleen Wasiirka arrimaha gudaha iyo General Xuud?

51

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Genaral Mukhtaar Xuseen Afrax,  Genaral Xuud iyo odayaal dhaqan ayaa shir ku leh tuulo u dhaw degaanka Ceel-gaal ee duleedka magaalada Beladweyne.

Kulanka oo qaatay saacado badan ayaa waxaa looga hadlay tabashada dhinacyada ay qabaan iyo sidii loo xalin lahaa.

Kulanka oo ku soo dhammaaday isfahan ayaa waxaana loo ballamay kulamo kale si loo dhamaystiro wadahadalka.

Wadahadalan ayaa qeyb ka ah dadaalada xalka loogu raadinayo xiisadda ka taagan gobolka Hiiraan ee la xiriirta diidmada shacab ee safarka uu madaxweynaha Hirshabeelle ku doonayay in uu ku yimaado magaalada Beledwayne.

Guddoomiyaha baarlamanka Hirshabeelle Cabdixakiin Luqmaan iyo Yuusuf Dabageed ayaa hore ugu guul dareestay in xaliyaan tabashada shacabka Hiiraan, halka sidoo kale ay ku guul dareesteen in uu magaaladaas tago Cali Guudlaawe.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Generaal Mukhtaar oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa gobolka Hiiraan ayaa waday kulamo isdaba joog ah oo xal loogu raadinayo shaqaaqada ka taagan gobolka Hiiraan.