Maxaa ka jira in DFS ay ciidamo u direyso Libya?

23

Dawlada Soomaaliya ayaa war ka soo saartay hadal muran badan dhaliyay kaas oo ku saabsanaa in dawlada Soomaaliya ay wado qorshe ay dalka Libya ugu direyso ciidamo Soomaali ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo la hadlay laanta Af-ka Soomaaliga ee BBC ayaa waxa uu u sheegay in arrintaasi ay tahay waxba kama jiraan, oo dawlada Soomaaliya aysan ciidamo u direynin dalka Libya.

Wasiirka ayaa hadalkaasi waxa uu ku sheegay in uu yahay hadal been abuur ah oo lagu been abuurtay dawlada Soomaaliya.

Xaaladda Libya ayaa sii xumaaneya iyadoo dawlado awood leh ay ku dul loolamayaan  waxaana  ka mid ah dawladahasi loolanka ugu jira Libya Turkiga iyo Masar, kana mid ah dawladaha saaxiibada dhow la ah Soomaaliya.

Waxaa jirta in marar kala duwan xaaladda cakiran ee ka jirta dalka Libya ay madax Afrikaan ah tusaaleyaal xun ugu soo qaateen Soomaaliya, iyagoo tilmaamay in xaaladda hadda Libya ay ku jirto ay ka wax badan dhaanta tan ay  ku jirto Soomaaliya.