BFS oo ansixiyay Sharciga wax ka Badalka Axsaabta Siyaasadeed

38

-Mudaneyaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlibiyad leh waxa ay ku meel mariyeen Sharciga Wax Ka Badalka Axsaabta Siyaasadeed ee dalka.

137 Xildhibaan ayaa u codeeyay sharcigan maanta la horgeeyay kulankii maanta, waxaa diiday 3 Xildhibaan, halka ay ka aamuseen 4 Xildhibaan kale.

Sharcigan ayaana ah mid sidaa maanta ku dhaqan galaya, maadaama tirada Xildhibaannada ugu badan ay u codeeyeen.