Soomaaliya oo loo soo dirayo diyaarado dagaal

24

Dawlada Uganda ayaa doonaysa in ay Soomaaliya u soo dirto diyaarado dagaal, si ay dawlada Soomaaliya uga caawiyaan la dagaalanka Al-Shabaab, oo ay dagaal kula jirto.

Sida uu warbaahinta u shaaciyay Afhayeen u hadlay dawlada Uganda diyaaradahan ayaa ah kuwo gaar ah, isla markaasina ay yihiin kuwo u samaysan qaab casri ah.

Diyaaradahan ayuu sheegay Afhayeenku in lagu wareejin doono ciidamada Nabad Ilaalinta AMISOM ee dawlada Soomaaliya ka taageera dhinaca la dagaalanka Al-Shabaab.

Dawlada Uganda ma aysan shaacin nooca, tirada iyo goorta ay Soomaaliya imaan doonaan diyaaradahan casriga ah ee ay doonayso in ay siiso Soomaaliya