DF oo maanta xareysay guddiyaadii lagu muransanaa ee doorashada

9

Warar aan helnay ayaa sheegaya in xukuumadda Soomaaliya ay maanta xaraysay guddiga doorashada heer federaal, guddiga xalinta khilaafaadka iyo guddiga maamulka doorashada Somaliland, kuwaas oo uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Xubnaha guddiga ayaa la sheegay in la geeyay hotel ku yaalla nawaaxiga garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho.

Guddiyadan ayaa waxay qaadan doonaan tababarro la xiriira nidaamka doorashada, sameynta habraacyada doorashada iyo dhaqan gelinta qodobada heshiiskii siyaasaddeed ee doorashada.

Arrintan ayaa ku soo aadaysa xilli guddiyadan ay xareysay dowladda federaalka Soomaaliya ay aad ugu soo horjeedaan musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Musharaxiin miisaan leh oo ay ka mid yihiin  madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sheekh Axmed, iyo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Sidoo kale maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaan weli soo magacaabin xubnihii ku meteli lahaa guddiyadaas, waxayna madaxda maamulkaas aad u saluugsanyihiin hanaanka ay wax u wado Villa Somalia.