Golaha Shacabka oo ansixiyey Guddiga la dagaalanka masuq maasuqa

12

Xildhibaannada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si aqlabiyad ah ku meel mariyay Guddiga la dagaalanka masuq maasuqa oo ay u soo gudbisay wasaaradda Cadaaladda ee Xukumadda Soomaaliya.

Kulankoodii 6-aad kalfadhiga 8-aad  oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa waxaa soo xaadiray 145 xildhibaan.

Wasiirka  Wasaaradda Cadaaladda Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa Golaha Shacabka u soo gudbiyay xubnaha guddiga Adeega Garsoorka iyo xubnaha guddiga la dagaalanka musuq maasuqa.

Xildhibaanada oo u codeeyay golahan ayaa waxaa oggolaaday 145 mana jirin cid diiday ansixinta labada gudiba.

Sidoo kale xildhibaanada golaha shacabka ayaa akhrinta 3-aad marsiiyey Hindise sharciyeedka Nootaayooyinka, iyadoo isla maanta golaha loo qeybiyay qoondada miisaaniyadda 2021-ka.