Odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye oo cabsi ka muujiyey in dalku galo dagaallo sokeeye

19

Odayaasha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa 13-kii bishaan kulan gaar ah gurigiisa kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, kulankaan oo ahaa mid aan loogu talagalin in warbaahinta ay hesho ayaa mar dambe oo 14-kii bishaan ah lagu baahiyay baraha bulshada.

Odayaasha dhaqanka ayaa Ra’iisul Wasaaraha u gudbiyay warqad ay ku qorneed dhamaan caqabadaha ay wajahayaan beelaha uu matalo Ra’iisul Wasaaraha, waxaana warqada la gudbiyay qodobadii ku qornaa kamid ah.

1) In ay walaac ka qabaan habka dowladu wado doorashada Soomaaliya oo aysan ku qanacsaneyn guddiyada doorashooyinka ee heer dowlad gobaleed iyo heer Qaran, oo ay ku jiraan ciidamo ka tirsan NISA, shaqaalaha dowladda iyo taageerayaasha Madaxweyne Farmaajo, loona baahan yahay in lakala diro.

2) In ay walaac ka qabaan ciidamo laga keenay Eritrea iyo ciidan kale oo Soomaali ah oo ay Madaxweynaha iyo Taliyaha NISA rabaan in ay ku fushadaan dano gaar ah, waxayna arintaas sababi kartaa in amniga dalka faraha ka baxo.

3) Waxay sheegeen in ay ka digayaan ciidamada lagu daabalayo maamul gobaleedyada dalka, sidoo kale waxay ka digeen wax ay ku sheegeen daan-daansi oo Madaxweynaha Soomaaliya kula dhaqmayo saraakiisha iyo shaqaalaha ka soo jeeda beeshaan, isla markaana xilalkii laga qaaday laguna badalay kuwa ku heyb ah Madaxweynaha.

4) Sidoo kale warqadda cabashada ah oo ay odayaasha dhaqanka la wadaageen Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu sheegay In Madaxweyne Farmaajo ka digtoonaado afduub uu ku sameeyo doorashada Soomaaliya, loona sinaan waayo doorashada dalka, taas oo ay sheegeen in ay sababi karto in dib loogu laabta xaaladdii 1991-kii.

5) Qodobada ay qoreen waxaa qeyb ka ah in ay ka digayaan in la fujiyo boorarka musharaxiinta, dhibaatada amni ee heysata shacabka Muqdisho, iyo arimo kale.

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad, oo ah Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa sheegay in warqadaan laga bixiyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya balse aysan ogeyn ujeedka laga leeyahy.