Wasiiru dowlaha Wasaarada arrimaha dibbada Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa sheegay, dowladda Soomaaliya inay fulisay ballanqaad ay la gashay dalka Tanzania, ballanqaadkaas oo ahaa in Soomaaliya ay ku garab istaagto inay Tanzania ku guulaysato madaxweynaha baarlamaanka adduunka.
Wasiiru dowluhu wuxuu sheegay marka ay ballanqaadka sameynayeen in aanay jirin cid Soomaaliya ka socotay oo u sharraxnayd doorashada baarlamaanka adduunka. Sidaas ayuu sheegay in ay dowladda Soomaaliya ku taageertay Tulia Ackson.
“Labo bilood ama bil ka hor ayaa waxaa soo baxday gabar Soomaaliyeed oo rabta in ay u tartanto kursigaas. Annaga waxaan u sheegnay oo aan baarlamaanka u gudbinay, in kursiagas dowlad ahaan aan ka ballanqaadnay inaan codkeena siino dalka Tanzania.
Wadamaduna inay ilaaliyaan balanqaadyadooda sumcaddooda ayaa ku jirta,” ayuu yiri wasiir Balcad.
Wasiiru dowluhu wuxuu sheegay in Soomaaliya markaas ka dib ay Tansania u qortay warqad ay kaga codsanayso in ay Soomaaliya uga taanasulaan kursi aan joogto ahayn oo golaha ammaanka yaala, kaasoo ka dhaxeeya, Soomaaliya, Tansania iyo Mauritius.