(SAWIRRO)Roobab mahiigaan oo ka da,ay Baardheere iyo Webiga oo ku Fatahay Dhul beereed balaaran.

128

Roobab xariir ah oo muddo ka badan ilaa lix saacadood ka da,ayey gudaha Magaalada Baardheere iyo Fatahaad uu sameeyey Webiga Jubba ee Mara Magaalada ayaa sababay in guryahooda iyo goobahooda ganacsiga ay ka barakaceen Boqolaal qoys oo deganaa hareeraha Togga weyn iyo webiga jinkiisa.

Roobabka da,ayey  iyo Fatahaada webiga ayaa waxaa ka dhashey khasaaro kale duwan,waxaaa daadadka webiga ay la tageen Dalagyo kale duwan oo Beeraleyda waraabka ee degmada ay beerteen sanadkan,iyadoo ay jiraan Qoysas deganaa Hareeraha Webiga oo ka barakacay guryahooda.

Sheekh Maxamed Xuseen Alqaadi oo ah G./ku xigeenka Maamulka Gobolka Gedo oo ka hadkayey Xaalada Roobabka iyo Fatahadaha ayaa ugu Baqey qeybaha kale duwan in muujiyaan feejignaa dheeri ah sida looga gaashanto dhibatooyinka ka dhalan kara.

Ilaa iyo hadda waxaa kala xiran Qaar ka mid ah Baardheere, Xaafadaha ugu daran ee dhibaatooyinka daadadka la kumey iyo Fatahada webiga ay saameysay ayaa waxaa ka mid ah,Kaskey,Bulo kulow,Musawa,kurmaan iyo Xaafada Suuq yare oo gebi ahaanba goobahii ganacsiga laga barakacay,iyadoo ay jiraan khasaarooyin dhanka ganacsiga ah.