Mucaaradka Puntland: Deni wuxuu iclaamiyay colaad cusub oo uu ku doonayo inuu xilka kusii joogo

30

Mucaaradka maamulka Puntland ayaa maanta war saxaafadeed ay soo saareen waxay madaxweynaha Puntland, Siciid Deni ku eedeeyeen inuu iclaamiyay colaad cusub, si uu xilka xoog ugusii joogo.

Mucaaradka waxay sheegeen in madaxweyne Deni uu la shiray saraakiisha ciidamada Puntland, islamarkaana uu faray in ay ku difaacaan damaciisa muddo kororsiga, iyagoo sheegay arrintaasi inay ka dhalan karto cawaaqib xumo uu masuuli-yadeeda qaadayo madaxweyne Deni.

Warsaxaafadeed kasoo baxay siyaasiyiinta mucaaradka ayaa loogu baaqay ciidamada iyo taliyayaashooda in ay ilaaliyaan sharciga ,waxayna sheegeen in aanay Puntland u horseedin qalalalase iyo iyo burbur.

Madaxweyne Deni ayaa maalin ka hor sheegay in ay ka go’an tahay inuu socod siiyo doorashada qof iyo cod. Wuxuu ciidamada ugu baaqay inay difaacaan sidii ay doorashadaasi u qabsoomi lahayd.

Deni wuxuu sheegay in aanay jirin cid awood u leh inay hor istaagto taabo galinta go’aanka guddiga doorashada kasoo baxay ee lagu muddeeyay xilliga doorashooyinka ay dhacayaan oo ah 25 ka Febraayo 2024.

Khilaafka dhinaca doorashada ee ka dhaxeeya Deni iyo mucaaradkiisa ayaa laga cabsi qabaa inuu horseedo qalalaase siyaasadeed, iyadoo aanay illaa iyo hadda jirin cid u kala dab qaaday labada dhinac.

Dhinaca kale, shir Garowe uga socda qaar kamid ah Isimada, weli wax war ah kamasoo bixin. Hase ahaatee kala qeyb sanaanta isimada Puntland, ayaa caqabad ku ah in xal laga gaaro khilaafka doorashada.