Albaabada guusha oo ka soo xirmaaya Trump iyo wararkii u dambeeyey ee doorashada Mareykanka

16

Weli si rasmi ah looguma kala bixin doorashada ka socota dalka Mareykanka, balse waxaa loo badinayaa inuu ku guuleysan doono musharax Joe Biden oo horay dalkaas uga soo noqday madaxweyne ku xigeen, haatana doorashadan kula loolamaya Madaxweynaha mudo xileedkiisa dhameystay ee Donald Trump.

Afar ka mid ah shan gobol oo aan weli la go’aamin ayaa la aaminsanyahay inuu Biden uga horeeyo Trump, wuxuuna haatan Biden u baahan yahay inuu ku guuleysto hal ama laba ka mid ah gobolladaas.

Codadkii laga dhiibtay gobollada Pennsylvania, Georgia, Arizona iyo Nevada, ayuu haatan Biden hoggaaminayaa, halka Trump uu ku horreeyo codadka gobolka North Carolina.

Trump ayaa ku guuleysan kara inuu helo codadka gobolka Pennsylvania ama laba ka mid ah afarta kale ee aan codadkooda weli la go’aamin.

Joe Biden ayaa hadda heysta 253 cod, wuxuuna u baahan yahay 17 kale si uu u gaaro 270.

Donald Trump ayaa isna heysta 214, waxaana ka dhiman 56-cod, si uu u gaaro 270-ka cod ee lagu guuleysan karo.

Waxaa aad loo saadaalinayaa in Joe Biden uu ku guuleysan doono dhammaan afarta gobol ee uu ku horreeyo, maadaama tartanka aad la isugu dhow yahay.