Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo maamulka Koonfur Galbeed uu magaalada iyo nawaaxigeeda geeyay ciidamo dheeraad ah, xilli magaalada lagu wado inuu maalmaha soo socda ka furmo shir weyn oo dib-u-heshiisiin ah.
Boqolaal askari oo si heer sare ah u qalabeysan ayaa la sheegay in xalay la dhigay duleedka magaalada Baydhabo, iyadoo dhaq-dhaqaaqyada ciidamada iyo gaadiidka dagaalka laga dareemayo qeybo ka mid ah magaalada.
Tallaabadan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo ay socdaan diyaar-garowga shirka dib-u-heshiisiinta ee la qorsheeyay in lagu qabto Baydhabo, kaas oo la filayo in ay ka qeyb galaan siyaasiyiin, waxgarad, odayaal dhaqameed iyo dhinacyo kala duwan oo ku lug leh khilaafka siyaasadeed iyo amni ee Koonfur Galbeed.
Wararka laga helayo magaalada ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada ammaanka ay heleen taageero dhinaca cirka ah, iyadoo diyaarado drone ah iyo diyaarado kale oo qumaatiga u kaca galinkii dambe ee maanta lagu arkay ama soo gaaray Baydhabo.
Ciidamada la geeyay duleedka magaalada ayaa la sheegay inay heegan sare ku jiraan, iyadoo tallaabadan lagu micneeyay inay qeyb ka tahay qorshaha lagu sugayo ammaanka magaalada inta lagu guda jiro shirka iyo maalmaha ka horreeya.
Shirka dib-u-heshiisiinta ayaa kusoo beegmaya xilli Baydhabo ay weli tahay meel ay ka jiraan xiisado siyaasadeed iyo kuwo amni, kadib dagaalladii iyo iska horimaadyadii dhawaan magaalada ka dhacay.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo faahfaahinaya tirada ciidamada la geeyay duleedka Baydhabo.











