Sheekh Shariif: Diblomaasiyadda Soomaaliya ceeb ayay ku tahay inay isku mar raacdo Dowlado iska soo horjeeda

1

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa dhaliilay habka ay dowladda Soomaaliya u waddo diblomaasiyadda, gaar ahaan xiriirka ay la leedahay dalalka iyo kooxaha uu sheegay inay iska soo horjeedaan.

Sheekh Shariif ayaa sheegay inay ceeb ku tahay diblomaasiyadda Soomaaliya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu maalin ka dego Addis Ababa, maalinta xigtana uu u safro Qaahira, isagoo xusay in labada dhinac ay leeyihiin kooxo ama dano iska soo horjeeda.

“Diblomaasiyadda Soomaalida ceeb ayay ku tahay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka dago Addis Ababa, maalinta ku xigtana Qaahira.”

Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay luminayso danaheeda haddii ay isku daydo inay dhex gasho ama raacdo Dowlado iska soo horjeeda.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in siyaasadda Soomaaliya ay tahay inay ku dhisnaato dan-wadaag, maslaxad-wadaag, deris-wanaag iyo is-ixtiraam, isaga oo xusay in Soomaaliya aysan doonayn inay cidna ka abaal-dhacdo.

“Ma rabno in mashaakilka dowladaha iyo kooxaha u dhexeeya aan dhex galno ama ku dhex milanno,” ayuu yiri.

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale sheegay in xal u helidda mushkiladda Soomaaliya aysan ka imaan doonin dibadda, balse ay tahay in Soomaalidu iyagu wada hadlaan.

Waxa uu xusay in xitaa xilliyadii Soomaaliya ay ku jirtay duruufo ka adag kuwa hadda jira, Soomaalidu ay garwaaqsan jireen inay fariistaan oo ay wada hadlaan.

Waxa uu tilmaamay in Soomaaliya ay leedahay dhaqan ah in afartii sanaba mar la isugu yimaado, doorasho la qabto, awooddana si nabadeed loogu kala wareego.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in xaaladda hadda jirta aan lagu gaari karin tanaasul haddii ay jiraan dad doonaya inay xilka sii joogaan iyagoo, sida uu sheegay, adeegsanaya dulmi, eed la’aan, tuuganimo, khiyaano iyo dhiig daadis.