Baarlamaanka Itoobiya go’aamiyey in gobolka Tigrey loo magacaabo maamul KMG ah

42

Dowladda federaalka Itoobiya ayaa sheegtay inay doonayso in maamul ku meel-gaar ah loo dhiso gobolka is-maamulka Tigreega.

Baarlamaanka Itoobiya ayaa soo saaray go’aan dowladdu ku faragelinayso maamulka Tigreega si loogu dhiso maamul cusub.

Dagaallo culus oo aan la ogayn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay ayaa ka socda deegaanka Tigrey ilaa markii uu Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ku dhawaaqay dagaal uu sheegay in lagu difaacayo Qaranimada iyo amniga Itoobiya.

Go’aankan ayaa laga soo saaray kulan aan caadi aheyn oo baarlamaanka Itoobiya uu ka yeeshay xaaladda ka sii dareysa ee ka taagan gobolka Tigreega ee dhaca waqooyiga dalka Itoobiya.

Baarlamaanka ayaa xukuumadda Abiy Axmed u ogolaaday in maamul KMG ah u magacaabo gobolkaas, si meesha looga saaro maamulkii hore, waxayna tallaabaadan ku soo aadeysaa xilli saacadihii u dambeeyey ay ciidamada cirka Itoobiya duqeymo culus ka fuliyeen gobolkaas.

Xaaladda dalka Itoobiya ayaa laga baqayaa inay faraha ka baxdo oo dalku galo dagaallo sokeeye, waxayna dowladdu isku deyeysaa inay xakameyso awoodda is-maamulka Tigreega, waxaana la duqeeyey inta badan bakhaaradii hubku ku keydsanaa ee gobolkaas.