Gabar Soomaaliyeed oo xaflad dhalasho ah Gaalkacyo ugu dhigtay Jilaa Ajanebi ah

85

Miski Saciid Cabdi oo ka mid ah gabdhaha Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa xaflad dhalasho ah u dhigtay jilaaga filimaanta Hindiga ah ee Shaarukhan.

Miski ayaa xafladaas dhigtay xalay, waxaana loogu dabaal degay dhalashada Shaarukhan oo 55-sano jirsaday.

Miski Saciid oo la hadashay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in ilaa yaraanteedii ay taageero weyn u aheyd jilaaga reer Hindiya ee Shaarukhan, waxayna sheegtay inay aad uga hesho filimaanta uu wax ka jilo.