Maamulka Jubbaland ayaa soo dhaweeyey dadaallada nabadeed ee laga wado degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, kaddib markii ay halkaasi ka soo afjareen xiisado muddooyinkii dambe ka taagnaa.
Jubbaland ayaa sheegtay in nabadda lagu gaaray iskaashi dhexmaray bulshada, waxgaradka, haweenka, aqoonyahannada, dhallinyarada iyo saraakiisha kala duwan ee ka qayb qaatay dadaallada lagu soo afjarayo xiisadaha.
Maamulka ayaa sidoo kale xusay in shacabka Beledxaawo ay hore ula kulmeen colaado sababay khasaare naf iyo maalba leh, burbur hantiyeed iyo barakac saameeyey nolosha dadka deegaanka.
War-saxaafadeedka ayaa lagu adkeeyey muhiimadda ay leedahay ilaalinta nabadda, iyadoo bulshada iyo guud ahaan dadka reer Jubbaland loogu baaqay inay ka fogaadaan wax kasta oo dib u hurin kara khilaafaadka, isla markaana ay xoojiyaan wada-hadalka, is-qancinta iyo wadajirka.
Jubbaland ayaa ugu dambayn ku boorrisay dhammaan dhinacyada inay sii wadaan dadaallada nabadeed, si shacabka Beledxaawo ay u helaan nabad waarta oo saldhig u noqota horumarka iyo dib-u-dhiska degmada.
Laguma xusin warka kasoo baxay Madaxooyada Jubbaland Ciidamadii uu hogaaminaayay Cabdirashiid Janan ee soo maray dhinaca Maamulka Jubbaland oo guud ahaan maamulka degaanka la wareegay, inkasto ay wali soconayaan wada hadalada Janan iyo Madaxda Jubbaland oo aan ogaanay in heshiiskoodi lagu dhameystiri doono Kenya.











