Askari qof shacab ah ku dilay Buurhakaba oo isna maanta la toogtay

53

Wararka naga soo gaaraya magaalada Buurhakaba ee gobolka Bay waxay sheegayaan in askari ka titsanaa ciidanka xoogga dalka oo qof shacab ah dilay, isna maanta la toogtay.

Askariga dilka geystay waxay walaalo ahaayeen mid ka mid ah saraakiisha milateriga Soomaaliya ee ugu caansan magaalada Buurhakaba ee gobolka Bay.

Sarkaalka ayaa la sheegay inuu soo qabtay askarigii la dhashay ee dilay qofka shacabka ah, kadibna uu tiirka geeyey, sidaasna lagu khisaasay maanta.

Bulshada ku nool magaalada Buurhakaba ee gobolka Bay ayaa si weyn u soo dhaweeyey go’aanka sarkaalkaas uu ku soo qabtay kadibna uu cadaaladda ku marsiiyey walaalkiis oo si bareer ah qof shacab ah u dilay.