Ganacsatada Kenya oo ku baaqay in loo furo xadka ay wadaagaan Soomaaliya

16

Ganacsatada kalluunka qalalan ee gobolka Lamu ee dalka Kenya, ayaa codsaday in dib loo furo xadka Lamu iyo Soomaaliya si ay awood ugu helaan in ganacsigoodu u gudbo Soomaaliya.

Xuduudaha ayaa laga mamnuucay ganacsatada labada dal inay is dhexgalaan iyo inay ganacsi yeeshaan.

Ganacsatada Lamu waxay kalluunka qalalan ka iibsan jireen magaalooyin ay ka mid yihiin Kismaayo iyo Muqdisho oo ka tirsan Soomaaliya.

Bishii Abriil ee sanadkan, hay’adaha amniga ayaa qabtayn oo ay gubeen wax ay ugu yeereen shixnad sharci darro ah oo kalluun qalalan ah oo culeyskiisu ahaa 12 tan, qiimihiisuna yahay Sh5 milyan.