Gudiga kmg ah ee doorashoouinka Madaxa Doorashada kuraasta ka banaan Golaha shcabaka ayaa maanta qabtay doorashada Kursiga Sumadiis ay tahay 086 .
Doorasha kursigan 086 oo Maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku tartamayay labada musharrax oo agu kala Magacaabo Cabdirisaaq Bukhaari Axmed iyo Dr. Maxamed Sheikh Axmed Maxamed.
98 Ergo ayaa xaadirtay Codaynta kursiga , Doorashada markii ay bilaabatay Waxaa tanaasulay Cabdirisaaq Bukhaari Axmed, sidaasna waxaa gacantaag loogu codeeyay Maxamed Sheikh Axmed Maxamed 98 oo ay Haa ugu codeeyeen dhammaan Ergadii ka qayb gashay doorashada Cid diiday ama ka aamusay ma jirin .
Gudiga doorashooyinka ayaa sheegay in Dr Maxamed Sheikh Axmed Maxamed uu helay 98 cod oo kamid ah tirada ergada ee kooramka fadhiday, kuna noqday Guulaystaha Kursiga tirsigiisu yahay GSH # 086 waxana Xusid mudan in kurisiaan uu hore ugu Fadhiyay Taliyihii hore ee hay’adda NISA Fahad yaasiin Xaaj Daahir.