Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha ka dhashay dagaal ka socda Laascaanood

69

Wararka ka imaanaya  gobolka Sool ayaa sheegaya in in dagaal   culus uu haatan  ka soconayo magaalada laascaanood .

Dagaalka ayaa u dhexeya ciidamada Somaliland iyo dadka degaanka waxana goob joogayaal u  warramay  warbaahinta Markabley ay sheegeen dagaalka uu ka socdo galbeedka magaalada Laascaanood.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka hadda ka socda Laascanood uu bilowday ka dib markii Ciidamada Somaliland ay weerar ku soo qaadeen  dhanka galbeedka magaalada, waxaana ka dhashay khasaare isgu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale ciidamada Somaliland ayaa la sheegay in xaafadaha Laascaanood ka geysteen duqaymo xooggan.

Dagaalka iyo duqaynta ka socota Laascaanood  oo gashay todobaadkii saddexaad ayaa sababtay dhamisho, dhaawac, barakac iyo burbur.

Hase’ ahaatee ‘ dagaalka ka socda Laascaanod ayaa wararku ay sheegayaan Tan iyo Markii uu bilowday Ilaa haatan waxaa ku geeriyooday Dad kor u dhaafaya 1000’ kun  Ruux oo ah dhinacyada  dagaalamaya iyo   rayid ah  dhaawacana waxaa la sheegay in  uu intaas ka badan yahay sida ay sheegayaan mas’uuliyiin ka tirsan kuwa degaanka .