Madaxweyne Waare oo ka hadlay go’aanka guddiga doorashooyinka Hirshabeelle

24

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa uga digay guddiga farsamada ee soo xulista baarlamaanka 2aad ee hirshabeelle habraca ka muuqdo jadwalka dorashada oo u muuqdo mid lagu deg degaayo waxana lagu talinayaa in dhismaha hirshabellada cusub aysan noqon mida hada jirta oo kale.

Talooyin ayaa loo soo jeediyay guddiga oo ah in ay ka firsadan jadwalka boobsis ka ah ee ay so sareen taas oo dad badan ay u fasirteen mid si kala diraayo hirshabelle rajo xumaana ku beeray dad badan.

Gudiga Farsamada ee Soo Xulista Baarlamaanka 2aad ee Dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa shaaciyay Jadwalka Doorashada Hirshabeelle.

Guddiga ayaa sheegay in bishaan ilaa bilowga bisha oo socota ay kusoo dhameystiri doonaan howlaha soo xulista xildhibaanada Hirshabeelle.