Ururada Saxaafada oo baaq u diray Madaxweyne Farmaajo

26

Shir jaraa’id oo ay  wadajir u qabteen SJS iyo SOMA ayaa lagu soo dhoweeyay war shalay kasoo baxay saddexda hay’adood ee kala HRW, Amnesty International iyo CPJ ee ku baaqay in Dowladda Soomaaliya ay joojiso falalka tacadiyada ah ee ka dhanka ah xorriyadda saxaafadda Soomaaliyeed.

SJS iyo SOMA waxay kaloo ku baaqeen in saxaafadda loo ogolaado inay tartanka doorashooyinka uga soo waramaan si xor ah oo aan cabsi lahayn, ayna baari karaan arrimaha musuqmaasuqa doorashooyinka.

Cabdalla Muumin xoghayaha ururka SJS ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya laga doonaayo in uu joojiyo ficilada lagu dhibaateyn karo Saxaafadda Soomaaliya, sidoo kalena loo baahan yahay in dowladdu dhageysato cabashada ay qabaan.

Xoghayaha ururka SOMA Maxamed Cabdulwahaab Cabdullaahi ayaa sheegay in dalka uu aaday doorasho, islamarkaana dowladda dhexe laga doonaayo in ay caddeyso doorashada Saxaafadda ee doorashooyinka.

Waxaa uu tilmaamay in sidoo kale loo baahan yahay in suxufiyiinta doorkooda Sare loo qaado si looga hortaggo in doorashada soo socota uu ka dhaco Musuq maasuq.