Rag soo afduubtay ilmo yar oo lagu qabtay Afgooye

23

Ciidamada booliska Soomaaliya ee ka howlgala degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa maanta qabtay, isla markaana soo bandhigay laba nin oo ay sheegeen inay soo aftuubteen caruur.

Saraakiisha booliska Soomaaliya ee degmada Afgooye ayaa sheegay in ragaas laga qabtay goob gaadiidka laga raaco oo ku taalla bartamaha magaalada.

Xillliga la qabtay waxaa la sheegay inay wateen gabar yar oo ay ka soo afduubteen reerkeedii, taas oo maalmihii lasoo dhaafay la weysnaa.

Sida ay warbaahinta la wadaageen saraakiishu labada nin ayaa qirtay inay la shaqeyn jireen shabakad caruurta ka ganacsata, iyagoo sheegay in gabadhan lagu qabtay ay ku qaadanayeen lacag dhan $500.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay walaac uu ka taagnaa meelo badan oo dalka ka mid ah, oo caruur badan lagu waayey, waxaana isa soo tarayey wararka sheegaya inay jiraan shabakado ka ganacsada caruurta oo dalka si qarsoodi ah uga howlgala.

Sawirro laga qaaday ragga maanta lagu qabtay degmada Afgooye iyadoo gabar yari u afduubantahay ayaa muujinaya, iyagoo xir-xiran, isla markaana ku jira gacanta laamaha ammaanka.