Wararka ka imaanaya deegaan duleedka ka ah Koofurta Gobolka Mudug, waxaa ay sheegayaan in xubno ka tirsan Al-shabaab ay halkaas ka afduubteen 7 ruux oo xoolo dhaqato ah iyo Xoolihii ay wateen sida ay sheegeen goob joogayaal.
Al-shabaab ayaa saakay waa barigii hore duleedka deegaanka Baraag Ciise ee Koofurta Gobolka Mudug ka watay sida uu xaqiijiyay Maamulka Deegaanka Bajeela ilaa 3 Kadin oo Geel ah iyo Wiilalashii xoolahaas dhaqanayay.
Lama oga halka ay la aadeen Al-shabaab shaqsiyaadkii xoolo dhaqatada ahaa iyo xoolahoodii, iyadioo Wali Saraakiishu Daraawiishta iyo Maamulka Gobolka Mudug kama uusan hadlin arrintaan.
Tani ayaa imaaneysa kadib markii Al-shabaab ay ganacsatada xoolo dhaqata ah ay ku qasbaan in ay bixiyaan barnaamij ay ugu magac dareen saka waad, inkastoo dhankooda ganacsatada qaar ay arrintaas ka dhago adeegaan.