Jubbaland oo maanta ku dhawaaqaysa go’aan ku saabsan kuraasta taalla Garbahaarey

49

Sidda ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo oo ku sugan magaalada Kismaayo Guddiga doorashooyinka maamulka Jubbaland ayaa maanta lagu waddaa in uu ku dhawaaqo go’aamo ku saabsan sida laga yeelaayo kuraasta taalla magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Kuraastaan oo ah 16 kursi ayaa horay waxaa u shaaciyay guddiga doorashooyinka in la qaban doono balse waxay ka gaabsadeen in ay ku dhawaaqaan goobta rasmiga ah ee doorashada ay ka dhici doonto.

xalay ilaa shalay galinkii dambe waxaa dhacay kulamo kala duwan oo u dhaxeeyay Madaxweynaha Jubbaland , kuxigeenadiisa iyo guddiga doorashooyinka waxaana kulamadaasi diirada lagu saaray xalka deegaan doorashada Garbahaarey.

Inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn haddana warar lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijinaya in Jubbaland ay doonayso in deegaan doorashada laga wareejiyo magaalada Garbahaarey loona wareejiyo degmada Ceelwaaq.

Waxaa sidoo kale jira gorgortan u dhaxeeya xubnaha kuraasta taalla Garbahaarey oo qaarkood walaac ka muujiyay in aysan tagi Karin magaaladaasi balse ay doorbiyaan Kismaayo.