Maxay ka wada-hadleen guddoomiye Cumar Filish iyo safiirka EU-da Nicolás Berlanga?

5

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) iyo safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolás Berlanga ayaa maanta ku kulmay magaalada Muqdisho.

Kulankaas ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu horeyso xoojinta sidii loo dhaqaajin lahaa taageerada mashaariicda kala duwan ee caasimada Muqdisho.

Sidoo kale arrimaha dhaqaalaha, dib u dhiska iyo horumarinta nolosha dadka danta yar ayey kulankooda uga wadahadleen Cumar Filish iyo Nicolás Berlanga.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa safiirka uga mahadceliyey taageerada reer Banaadir iyo guud ahan dadka Soomaaliyeed uu la garab taaganyahay ururka Midowga Yurub.