Wiilkii Buuhoodle ku sameeyay diyaaradda iyo gawaarida oo lagu casuumay bandhig weyn

13

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa wiil 17 jir Soomaali ah ku casuuntay inuu ka qeyb galo Teknofest, oo ah bandhigga ugu weyn dalkaas ee teknolojiyadda.

Guuleed Cabdi ayaa sameeya gawaari iyo diyaarado macmal ah, isagoo aan heysan qalab badan oo arrintaasi ka caawinaya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa Guuleed ka arkay internetka, wuxuuna kaddib ku casuumay bandhiggaas. Wuxuu sidoo kale Guuleed Turkiga ka helay fursad waxbarasho.

Guuleed oo ka soo jeeda degmada Buuhoodle ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegay inuusan weligiis hore u helin fursaddan oo kale. “Waxaan doonayaa inaan aasaaso shirkad diyaaradaha ah oo mustaqbalka soo saarta diyaarado,” ayuu yiri.

Wuxuu sidoo kale booqan doonaa shirkadaha diyaaradaha ee dalkaas.

Bandhiggan oo ka bilowday gobolka Gaziantep ee dalka Turkiga ayaa shalay la soo gabagabeeyay.