Xukun adag oo lagu riday nin gabar hal sano jir ah kufsi u geystay

10

Maxkamad ku taalla Ismaamulka Mandheera ee gobolka Waqooyi-bari Kenya ayaa Jimcihii 50 sano oo xabsi ah ku xukuntay nin faraxumeeyay gabar hal sano jir ah oo uu hooyadeed qabo.

Ninakn oo 20 sano jir ah ayaa la sheegay inuu ku sugnaa tuulada Dheerqalle, oo ka tirsan deegaanka Banisa.

Xaakim Kimani Mukabi ayaa sheegay in caddeymo lagu helay ninkan kuwaas oo muujinaya inuu kufsaday gabadha yar.

Eedeysanaha ayaa 11-kii March beeniyay inuu falkan geystay.

Hooyada gabadhan ayaa sheegtay inay guriga ku sugneyd abbaarihii 8pm ayna casho diyaarineysay, markii ay maqashay qeylada gabadheeda.

Waxay sheegtay in gabadha yar iyoninkeedu ay guriga hurdeen, sidoo kalena uu guriga joogay cunug kale oo saddex jir ah.

Markii ay guriga gashay ayay sheegtay inay aragtay dhiig ka daadanaya xubinta taranka ee gabadha, iyo ninkeeda oo suuliga sii galaya.

Gabadha yar ayay sheegtay inay u qaadday isbitaalka Banisa si loogu daweeyo.

Eedeysanaha ayay booliisku sheegeen inuu ku dhuumaaleysanayay tuulo u dhow Dheerqalle, markii ay soo xirayeen.