Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa dhowaan waxaa lagu soo gabagabeeyey Mashruuc Adeeg caafimaad oo lacag la,aan ,kaasi oo soconayey muddo Bil ah ayaa degmada Baardheere waxaa ka taabageliyey Hay,adda Fatxi gargaar.
Mashruucan caafimaad ayaa mudadii bisha ahayd ayaa waxaa ka faa,ideystey dad ka badan ilaa 2600 oo u badan Qoysas danyar,kuwaasi oo u badan haween iyo caruur,oo qaarkood muddo sanado ah la noolaa Cuduro iyo xanuuno kale duwan,waxaana howshaasi fuliyey dhakhaatiir iyo kalkaaliyaal caafimaad oo qaar kood ka kala yimid Magaalooyinka Muqdisho iyo Garbahaarey.
Bukaanada faraha badan ayaa ka kala yimid gudaha degmada iyo deegaano hoostaga Baardheere iyo weliba kuwa kale oo ka kala yimid degmooyin ay ka mid yahiin,Ceelwaaq,Bu,aale,Saakow,Kismaayo ,Diinsoor ,Buurdhuubo iyo weliba dhulka miyiga ee ku teedsan Gobolka.
Maxamed Cabdi Caafi waa Aas Aasaha Mashruuca Fatxi gargaar waxaan la yeeshey Wareysi dheer ee ku aadan ujeedada ujeedada ay ka leeyahiin Mashruuca caafimaad ee ay ka fuliyeen degmada Baardheere ,guud ahaan dadka ka faa,ideystey Mashruucan ,isagoona tilmaamay weli inay jirto baahida adeeg caafimaad.
.
Axmed Cumar Saalixi
Baardheere/Gedo