Mucaaradka oo ku taliyay in dib loogu laabto doorashada kuraasta qaar ee lagu muransan yahay

60

Midowga Murashaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo saaray talo soo jeedintooda ku aadan sixitaanka doorashada Soomaaliya, iyagoo ku taliyay in lagu laabto dhamaan doorashooyinkii dhacay, islamarkaana la laalo go’aanadii ay gaareen guddiga xalinta Khilaafaadka ee doorashooyinka Soomaaliya.

Qoraalka Midowga Musharaxiinta ayaa waxaa ay ku sheegeen in Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Wasiirada ay si buuxda mas’uul uga noqdaan Amniga dalka.

Qodobka Amniga ayaa ah kan ugu adag ee horyaala Shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynayaasha maamulada Galmudug iyo Koofur Galbeed ay walaac ka muujinayeen in qodobka Amniga uu qeyb ka noqdo War murtiyeedka ay shirka.ka saari doonaan madaxda golaha wadatashiga Qaranka.