Maamulka Dhuusamareeb oo faah faahiyay khasaaraha dagaalkii dhacay.

35

Guddoomiyaha Maamulka Caasimadda Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb oo ay garab taagnaayeen Saraakiisha Ciidamada amniga ayaa war kasoo saaray iska hor imaad shalay dhex marey ciidamada amniga.

Guddoomiyaha Magaalada Dhuusamareeb Cabdiraxmaan Geeda qoroow ayaa sheegay in Ciidamada Booliska oo howlgal kujira ay iaku dhaceen kuwo ka tirsan Ciidamada Kumaa dooska Goror, wuxuuna qiray in dagaalka uu sababay dhimasho iyo dhaawac.

Guddoomiyaha oo Warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay in dagaalka ay ku dhimatay Haweeneey ay rasaasta ugu tagtay Gurigeeda laba kamid ah askartii dagaalantay ay dhaawacantay, sidoo kale ay jiraan Gaadiidka ay rasaasta haleeshay, isaga oo sheegay in Ciidamadii dagaalamay heshiis la kala dhex-dhigay, isla markaana baaritaanka kiiska ay u xiksaareen Maxkamadda Ciidamada.