Xog cusub oo laga helay sababta ka dambeysay shilka diyaaradii ku dhacday Beledweyne

18

Xog cusub oo laga helay sababta ka dambeysay shilka diyaaradii ku dhacday Beledweyne

Warbaahinta Kenya ayaa saakay xog cusub ka qortay diyaaradii shalay ku soo dhacday garoonka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, taas kasoo baxday dalka Jabuuti.

 

Warbaahinta ayaa Mareeyaha guud ee diyaaradii shalay burburtay kasoo xigatay in shilkaas uu sababay Dameer oo soo galay dhabaha ay ku soo degtay ee garoonka.

 

Diyaaradda waxaa iska laheyd shirkadda Bluebird Aviation oo laga leeyahay dalka Kenya, waxayna u rarneyd ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti ee ka howlgala gobolka Hiiraan, iyadoo toos uga timid dalka Jabuuti.

 

Gabi ahaanba diyaarada ayaa ku bas-beeshay dabkii ka kacay, waxaana ku gubtay agabkii ay siday, balse waxaa laga soo badbaadiyey duuliyihii iyo laba caawiye oo la socday.

 

“Diyaaradeena waxaa ay cunto iyo agab kale u waday ciidamada Jabuuti ee AMISOM, waxaana diyaaradda ay ka timid dalka Jabuuti, laakiin nasiib wanaag dhamaan shaqaalaha diyaaradii gubatay waa ay nabad qabaan” waxaa sidaas warbaahinta u sheegay Kabtan Xuseen.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan oo shalay intii ay gubaneysay diyaaradu garoonka kula hadlay warbaahinta ayaa AMISOM, UN-ka iyo DF ku eedeeyey inay awoodin waayeen in garoonka Beledweyne ay ka howl-geliyaan gaadiidka dab-damiska, waxaana shalay suurta geli weysay in la demiyo dabkii ka dhashay diyaaradda, maadaama uusan garoonku laheyn gadiidka gurmadka deg dega ah.