Maamulka Gobolka Bananadir Oo Soo Bandhigay Natiijo Ka Soo Baxday Sahan Dadweyne Oo Muqdisho Laga Sameeyay

21

Maamulka Gobolka Bananadir Oo Soo Bandhigay Natiijo Ka Soo Baxday Sahan Dadweyne Oo Muqdisho Laga Sameeyay

Sahankaan ayaa ku saabsanaa cudurka Feyruska Karoona ayaa dadweynaha su’aalo laga weydiinayay waxa ay u yaqaanan COVID-19 iyo sida uu sameynta ugu yeeshay noloshooda.

Sahankaan ayaa laga sii daayay ilaa 5 idaacad oo maxalli ah, halkaas oo ay dadka ku soo dirayeen fariimo ay uga soo jawaabayen su’aalihii la weeydiiyay ee la xiriirtay cudurka COVID-19.

Sida ka muuqatay natiijada Sahanka dadka intooda badan ayaa aqoon u lahaa COVID-19, taasoo tusinaysa in Maamulka Gobolka Banaadir uu si mug leh u sameeyay wacyigelin balaaran oo ku aadaneed COVID-19.

Maamulka Gobolka ayaa xilligaan laba jibaarayo dadaaladiisa wacyigalineed ee la xiriirta Feyruska Karoona si loo xaqiijiyo badqabka bushada Soomaaliyeed sida ay shaacisay Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Jakeeti.