SAWIRO+Madax kala duwan oo magaalada Garowe uga qayb galay aaska madaxweynihii hore ee Puntland

18

Madax kala duwan oo magaalada Garowe uga qayb galay aaska madaxweynihii hore ee Puntland

Magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ayaa maanta waxaa gaaray qaar ka mid ah madaxweynayaasha dowlad goboleedyada oo ay ku jiraan  hoggaamiyaasha Galmudug iyo  Jubbaland, iyagoona halkaasi si weyn loogu soo dhaweeyay.

 

Madaxdan ayaa ka amba-baxday magaalada Dhuusamreeb oo maalmihii u dambeeyey ay ku sugnaayeen, waxayna Garowe uga qeyb galeen aas Qaran oo loo sameeyay  Allaha u naxariistee madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi  Xaashi Gaagaab , kaasi oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana meydkiisa diyaarad gaar ah oo saakay ka soo qaaday magaalada Nairobi ay geysay magaalada Garoowe, halkaasi oo isla maanta lagu aasay.

 

Dhanka kale Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdi uu hogaaminayay  ayaa maanta tagay  magaalada Garoowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland, iyadoona halkaasi ay si weyn ugu soo dhaweeyeen madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo guddoonka golaha wakiillada maamulkaasi Puntland.

 

Waxaana wafdiga Guddoomiyaha Aqalka sare ay ka qeyb galeen aaska Qaran ee loo sameeyay Madaxweyne Gaagaab.

 

Afhayeenka Madaxtooyada Maamulka Puntland Jaamac dabaraani oo la hadlay KNN ayaa waxaa uu ka waramay sida uu aasku u dhacay.