Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Afrika oo la aasay.

75

Magaalada Muqdisho gaar ahaan Qabuuro ku yaala Isbitaalka Xoogga ayaa maanta lagu aasay Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Maxamuud Guuleed “Afrika” oo xalay ay qarax Is-miidaamin ah ku dileen Al-shabaab.Iyadoo sidoo kalena uu weerarkaas ku dhaawacmay Agaasimihii Telefishinka Qaranka Sharmaake Maxamed Warsame.

Salaada Janaazada ayaa Marxuum Cabdicasiis Afrika lagula dukaday Masaajidka Shuhadaa ee Madaxtooyada,waxaana dukashada Janaazada ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Mas’uuliyiin iyo dadweyne badan.

Kadib waxaa loo galbiyey qabuuraha ku yaala Isbitaalka Ciidanka Xoogga ee Magaalada Muqdisho oo lagu aasay Allaha u naxariistee Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika oo ahaa Agaasimihii Radio Muqdisho.

Sidoo kale, waxaa markale lagula dukaday agagaarka Qubuuraha Isbitaalka xoogo halkaas oo ay janaazadda kula dukadeen , Qaraabo iyo asxaab u badan bahda saxaafada oo uu ka tirsanaa marxuumka.