Madaxweyne Xasan Sheekh oo Furay Shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa daah-furay Shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, kaas oo uu martigeliyay Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRB).

Shirka waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka socday hay’adaha dowladda, ganacsato, maamulayaasha shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo bahwadaagta taageerta horumarinta Soomaaliya.

Intii uu socday shirka ayaa lagu gorfeeyay fursadaha iyo baahiyaha maalgelinta horumarineed ee dalka, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray sidii Soomaaliya looga gudbin lahaa marxaladda dib-u-soo-kabashada, looguna gudbi lahaa koboc dhaqaale oo waara.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan siinayso maalgelinta horumarka waara, kobcinta wax-soo-saarka gudaha iyo xoojinta doorka ganacsiyada gaarka loo leeyahay, si loo abuuro fursado shaqo iyo koboc dhaqaale oo waara.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in Hiigsiga Qaranka ee 2060 uu yahay jihada fog ee Soomaaliya ay ku gaari karto dhaqaale kobcaya iyo horumar waara. Waxa uu sheegay in hiigsigaas uu u baahan yahay maalgelin istiraatiiji ah oo lagu horumarinayo dhinacyada beeraha, xoolaha, kalluumeysiga, tamarta, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo ganacsiyada.