Xeerilaalinta war kasoo saartay Kiiska Ikraan

56

Xeer ilaaliyaha guud ee Maxkamadda Ciidamada qalabka sida Gen Cabdullaahi Buule Kameey ayaa sheegay in hogaanka NISA lagu waayay wax caddayn ah oo muujinaya ku lug lahaanshaha Kiiska Ikraam Tahliil.

Gen Kameey ayaa sheegay in hay’adda NISA ay si hufan ula shaqeeyeen inta ay wadeen baarista Kiiska Ikraan Tahliil.

Gen Kameey ayaa sheegay in ay caddaymo ka qoreen ku simaha NISa Gaashaanle Sare Yaasiin Fareey iyo Madaxii hore ee NISA Fahad Yaasiin.

Warkan ka soo baxay xeer ilaaliyaha ciidamada qalabka sida ayaa ku soo beegmaya xilli ay maanta soo saareen musharaxiin ka tirsan golaha shacabka in loo boobayo kursigooda taliyaha kumeelgaarka ah ee NISA Yaasiin Fareey.