Faah faahino kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax miino oo ka dhacay goordhow degaanka Weydow ee duleedka Muqdisho. Iyadoo inta la xaqiijiyay ay ku dhinteen seddex qof oo shacab ah, halka qof kalena uu ku dhaawacmay.
Dadka qaraxa miino uu haleelay ayaa la sheegay in ay saarnaayeen mooto, iyagoo kusii jeeday dhanka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Warar ayaa sheegaya in kahor qaraxa wadada ay mareen Gawaari ay saarnaayeen Ciidanka Dowladda Soomaaliya, Balse markii ay gudbeen uu haleelay mooto ay saarnaayeen dad shacab ah.
Kadib Qaraxa waxaa goobta soo gaaray Ciidamo ka tirsan Kuwa Booliska Soomaaliya, kuwaa oo goobta agagaarkeeda ka sameeyay baaritaano la xiriira cidii ka dambeesay qaraxa, inkastoo aysan usoo qaban cidna.