Agaasimaha Cusub ee Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda oo maanta xilka la wareegay.

1

Magaalada muqdisho waxaa lagu qabtay munaasabad xilka kula wareegay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul).

Masuuliyiinta munaasabada xil wareejinta ka qeyb gashay waxaa ka mid ah Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XF Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiir Amniga Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur, Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) iyo madax kale.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka  dalka ayaa Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda  u rajeeyay in uu Eebbe ku garab galo mas’uuliyadda loo igmaday.

Ugu danbeey Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa mahadceliyay Agaasimihii hore ee hay’adda Maxamed Aadan Koofi, oo uu ku ammaanay shaqadii wanaagsaneyd ee uu ka soo qabtay hay’adda intii uu xilka hayay.