Khasaaro ka dhashay qarax ka dhacay degmada Ceelwaaq

46

Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan qarax geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo Maanta ka dhacay degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo,kaas oo laga maqlay xaafadaha kala duwan ee degmadaas.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa la dhigay Maqaayad ku taalla degmada Ceelwaaq oo ay ku sugnaayeen Askar iyo dad Shacab ah,waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in qaraxa ay ku dhinteen laba Ruux halka ay ku dhaawacmeen Saddex kale.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Saddexda qof ee qaraxa ku dhaawacantay la geeyay Isbitaalka degmada Ceelwaaq si halkaasi loogu daweey.
Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay inay howlgallo ka sameeyeen xaafadaha iyo wadooyinka ku dhow dhow halka uu qaraxa ka dhacay, iyada oo warar la helay ay sheegayaan in dad loo qabtay qaraxaas.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo kusoo kordhay falal amni darro, iyada oo ay ka dhaceen weeraro iyo qaraxyo ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.