Buundada isku xirta gobolada shabeellada hoose, Baay iyo Bakool oo Go’day

47

Wararka laga helayo gobolka shabeellada hoose ayaa waxaa ay sheegayaan inay go’day Buundada isku xirta gobolada shabeellada hoose, Baay iyo Bakool, iyadona buundadan ay ku taala deegaanka Warmaxan.

Buundadan ayaa muhiim u aheyd isku-socodka dadka iyo gaadiidka isaga kala goosha gobollada Koofurta soomaaliya,waxaana Go’ida buundadaas xaqiijiyey dadka deegaanka iyo maamulka gobolka.

Sababta ka dambeysay in ay go’do buundada ayaa lagu sheegay kadib markii ay ku soo fataheen biyaha webiga shabelle.

Qof ka mid ah dadka ku nool deegaanka Warmaxan ayaa KNN  u sheegay in gebi ahaanba Buundada ay burburtay,isla markaana aan la aqoonsan karin halkii ay ku taallay,waxana uu hadalkiisa intaasi ku daray in aysan jirin cid wax ku noqotay.