Shirka madaxda DFS iyo dowlad goboleedyada oo baaqday.

32

Sida ay sheegayaan wararka dib u dhac ayaa ku yimid Shirkii madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ee ka jira Dalka, kaas oo loo ballansana in uu Maanta oo Khamiis ah ka furmo Magaalada Muqdisho.

Ilo wareedyo ayaa KNN u sheegay  in arrimaha farsamo dartood uu Shirku dib uga dhacay maanta, islamarkaana uu si rasmiya u furmi doono Sabtida soo socota, kadib markii la dhammaystiro Arrimaha farsamo oo dhiman.

Dhammaan madaxda dowlad goboleedyada dalka ayaa haatan ku sugan magaalada Muqdisho, halkaas oo ay shalay gaareen Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed, halka Puntland iyo Jubaland horay u sii joogeen.

Shirka ayaa  waxaa looga hadli doonaa  Turxaan-bixinta Heshiiskii Dhuusamareeb 3 ee Arrimaha doorashada Soomaaliya, kaas oo ay ka maqnaayeen Puntland iyo Jubbaland, si heshiis midaysan looga gaaro Hannaanka doorashada soo socota.