Villa Somalia shaacisay goorta uu Muqdisho ka furmayo shir ay u dhanyihiin DF iyo D/goboleedyada

17

Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay in shir ay u dhanyihiin madaxda dowladda federaalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir uu Muqdisho ka furmi doono Khamiista soo socota.

“Waxaa Villa Soomaaliya ka furmaya Khamiis, 10-ka Sebteembar shir ay u dhanyihiin Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, kaasoo lagu dhammeystirayo hanaanka doorashooyinka dalka, iyadoo uu saldhig u yahay heshiiskii Samareeb-3” ayuu Cabdinuur qoraalkiisa ku yiri.

Madaxweynayaasha Galmudug, Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa hadda ku sugan magaalada Baydhaba ee gobolka Bay, halkaas oo ay maanta isugu tegeen.

Sidoo kale Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa Muqdisho ku sugan mudo ku dhaw laba todobaad, waxayna horay u dalbadeen in Muqdisho lagu casuumo madaxda dowlad goboleedyada ee ka maqan si looga wadatashado arrimaha doorashooyinka dalka.