Hir-Shabeelle oo ka war bixisay weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen Balcad

24

Wasiirka amniga dowlad goboleedka Hir-Shabeelle ayaa ka hadlay weerarkii ay waaberigii saakay ay dagaalamayaasha Al-Shabaab ku qaadeen magaalada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre oo ah wasiirka amniga Hir-Shabeelle oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in dagaalamayaasha weerarka soo qaaday aysan u suurta-gelin inay magaalada gudaha u galaan.

Wasiirka ayaa sheegay in hadafka Al-Shabaab uu ahaa inay qaraxyo ku xiraan buundada magaalada Balcad, balse aysan taasi u suurta gelin.

Wuxuu sheegay in khasaaraha dhanka ciidamada dowladda uu yahay hal askari oo dhimasho ah iyo seddax kale oo dhaawac ah.

Dhowr jeer oo hore ayay Al-Shabaab weerar ku qaadeen magaalada Balcadee gobolka Shabeellada Dhexe.

“Balcad sidaad ogtahay waa istaraatiiji waa magaalo xiriirisa Muqdisho iyo Shabeellaha Dhexe, sidoo kale Shabeellaha Hoosena xiriirisa. Marka maaddaama deegaankaas uu yahay mid istaraatiiji ah ayaa keeneysa inay ku soo laalaabtaan” ayuu yiri wasiirka amniga Hir-Shabeelle.

Dhinaca kale war ka soo baxay Al-Shabaab waxaa lagu sheegay in weerarkii saakay ay ku qaadeen Balcad ay ku dileen afar askari oo ka tirsan ciidanka dowladda.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in kooxihii dagaalka soo qaaday ay u suurtagashay inay qabsadaan dhowr xaafadood oo magaalada ka tirsan, isla markaana ay maxaabiis ka sii daayeen xabsiga ka hor inta aanay dib uga guran.