Howlgal ka dhan ah Shabaab oo ka bilowday Jubbadda hoose

43

 

Ciidanka Danab iyo Ciidanka Daraawshita Jubbaland ee ku sugan deegaanka Janaa Cabdalle ayaa saaka xiray dhamaan Wadooyinka soo gala deegaankaas.

Ciidanka Danab qaybta Jubbaland oo war qoraal ah soo dhigay bartooda Twitter ayaa sheegay in deegaanka Jaana Cabdalle  iyo wadooyinka mara ay xidhan yihiin ilaa 5km oo dhinac walba ah loona baahan yahay inta la waddo howlgalka lagu sifaynaayo  Al-Shabaab in shacabka ay ka fogaadaan meelahaas iyo dadka wadda gaadiidka.

Ciidanka ayaa sheegay in ay bilaabeen howlgal weyn oo guud ahaan Al-Shabaab looga saarayo degaanada ay ka jooggaan Jubbaland.

Ciidanka daraawish-ta Jubbaland,Ciidanka xooga dalka ee Danab iyo Ciidanka Amison ayaa howlgal ka samaynaaya deegaanka Janaa Cabdalle oo Jimcadii aan soo dhaafnay kala wareegay  Al-shabaab.