Weerar ka dhacay degaanka Janaale & khasaaro ka dhashay

10

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa ay weerar ku qaadeen Saldhigyada Ciidamada Dowladda Soomaaliya ku leeyihiin degaa ka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Saraakiil ka yirsan Ciida ka xoogga dalka ayaa waxaa ay sheegeen inay ka hortageen weerarka Al-Shabaab kusoo qaadeen, isla markaana ay khasaaro xoogan gaarsiiyeen.

War kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu shregay in Ciidamadu ay dagaalka ku dileen laba kamid ah Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday, sidoo kale hub farabadan oo qoryaha AK47 uu kamid yahay ay ka furteen.

Weerarkaan Al-Shabaab ay ku qaadeen Saldhigyada Ciidamada dolwadda ee degaanka Janaale ayaa kusoo aadaya xilli maalmo ka hor Ciidamada dowladda oo kaashanaya Maamulka degaanka ay howlgal ka sameeyeen tuulooyin u dhow degaanka.