Dowladda Soomaaliya oo Ciidamo horleh ka dejisay Magaalada Dhuusamareeb

8

Diyaarad siday Ciidamo ka tirsan kuwa Gorgor ayaa waxaa ay Maanta ka degtay garoonka diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.

Ciidamada oo horay u joogay Magalada Dhuusamareeb ayaa dhawaan laga soo qaaday, hayeeshee Manta dib loogu celiyay, waxaana ay ka tirsan yihiin Ururka 5-aad ee Gorgor.

Wararka laga helay Dhuusamareebn ayaa waxaa ay sheegayaan  in Ciidamada ay ku biireen oo ay xoojin u noqonayaan ururka 13-aad, Guutada 17-aad ee kumaandooska oo hore Dhuusamareeb u joogay.

Warraka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamadaan ay kamid noqonayaan Ciidamada ay dowladda Soomaaliya u diyaarisay howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo howlgalka dib loogu soo celinayo gacanta dowladda degmada Guriceel oo ay la wareegeen Ciidamo taabacsan Ahlusunna.